Gadiid layda Reer Berbera oo ka cabanaya Qandaraaskii Kirada baabuurta oo Nin kaliya Kooto Loogu Xidhay Shaqada Erriboodhka Berbera,

0

Berbera, Qandaraasyadii Garoonka Diyaaradaha ee Berbera oo Xiligan Aay ka Socoto Shaqo Dibu Dhis ahi waxaa ka taagan Buuq badan , Mulkiilayaasha Gaadiiidka Yar yar e Reer Berbera Ayaa Siwayn Uga cabanaya in Qandaraasyadii baabuurta ee Aay Kiraysanaysay Shirkada Dibu dhiska ku haysa Garonka Diyaaaradaha Berbera NEAL BINHARNAL uu Dhamaan,ba uu Qaatay Nin kaliya oo la Yidhaa Cumar Siciid Kaas oo Illaa 10 Baabuur oo Noocyo kala Duwan ah ka Kireeyay Shirkada halka aan Shaqsi Reer Berbera ah Baabuur uu

Leeyahay aan Laga Kiraysan,

Mid kamida Mulkiilayaasha baabuurta yar yar oo magaciisa Kusoo gaabiyay Axmed Ayaana HWN u Sheegay in aay dacwado u Gudbiyeen Maamulka Gobolka iyo ka Degmadaba iyo walibana taliyaha

qaybta Booliiska Gobolka saaxil,

waxaanu Intaa Ku daray in Mashaariicda Qandaraasyadan aay Xidhiidhsan Yihiin Illaa Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Baashe cawil oo Sida uu hadalka U dhigay waxaanu  Sheegay in uu Isagu Fududeeyay Sidii Kooto Loogu Xidhi lahaa rag gaara Mashaariicda ka Socota Gobolka saaxil ee aay Fuliyaan Imaraadku,

Mr Axmed oo hadalkiisa Sii wata Wuxuu HWN Intaa Ugu daray in Xataa Qandaraas yada kala Duwan ee Laga Bixiyay samaynta garoonka Diyaaradaha Berbera aanay Shirkad kaliya oo Saaxil Laga Leeyahay Laga Siinin Qandaraas Hoose, waxaanu Shegay in Shaqaale Hoosad Mooyaane  Reer Saaxil Aanay Ku lahayn  wax Madaxa Shaqadaa ka Socota  Garoonka Diyaaradha ee Berbera,

Dabcana Dhawaanta Ayay ahayd markii shaqaale ku dhow Boqol oo Reer Somaliland ahi aay cabasho ka muujiyeen maamulka Shirkada Dhisaysa  garoonka diyaaradaha ee bebera Cabdala xasan yuusuf [seed] oo ay ku eedeeyeen in uu ku hayo cadaadis Dhanka Shaqada Ah, Shaqaalahan cabanaya  Ayana HWN u Sheegay Xiligaasi in Iyagoo Muwaadiniin ah uu Duud Siiyaya xaqoodii Shaqaale Nimo, Una Qortay Sidii Oromo Uga Shaqaynayasa Guri Uu Leeyay,

Shaqaalahan kala Duwan oo Badi Ku Shaqeeya darawlnimo iyo Farsamoyaqaano ayaa Intaa ku daray in aanu Wax Heshiisa ah oo Xuquudooda Shaqaale Nimo Illaalinaya Aanu la galin Sida Shaqaalaha kale ee Ajanabiga ah ee debada laga keenay oo la siiyay Hoy,Cunto , iyo Xuquuqdooda Aas Aasiga ah,

ma lihin ayay yidhaahdeen xuqquuqda caafimaad qofkii wax ku noqda shaqada guadheeda, wxaase yaab leh ayaay yidhahdaan shaqaalahani markii aay u waramayeen HWN in Mushaharkooda Laga Jaro cashuur 6% ah, mana garnayno ayaay leeyihiin sababta nalooga jaro waayo shaqaale heshiis rasmiya la galay ma nihin shirkada, Shaqaalahan Ayana waqtigaasi oo ku beegnaa labo todabad ka hor waxay sheegeen in aay cabashadooda u gudbiyeen Maamulka goboka saaxil,Sidoo kalena waxay Qoraalo cabsho ah u Gudbiyeen xafiiska  wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada,