Duqa Magaalada Muqdisho Oo Xeer Uu Soo Saaray Ku Laalay Heshiisyo Ay Gashay Dawladii Xasan Sheekh Maxamuud

0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka.Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka.
u qalmin dhulkaas Jardiinooyinka ah iyo sidoo kale muddada heshiiyada oo nidaam ahaan xad dhaaf ah iyo in goobahaas bixintooda oo lala baal maray habka toosan ee lagu maamulo hantida Dawladda oo ah in lagu bixiyo qandaras;
Isagoo waajib ahaan ay ugu muuqatay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo soo celiyo billicda Magaalada iyo hantida Ummadda ka dhexaysa.

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan:

Qodobka 1aad.
Laga billaabo maalinta Xeerkan la Saxiixo, waxaa dib looga noqday, isla markaana baabi’yay dhamaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, maadaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo loogu tala galay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dhanka aragtida guud iyo dib u soo cellinta billicda Magaalada Muqdisho;

Qodobka 2aad.
Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in muddo 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiinooyinka ah ee kor ku tilmaaman, maadaama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, waxeyna muddadu ka billaabaneysaa maalinta Xeerkan la Saxiixo;

Qodobka 3aad.
Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa laga qaadi doona tillaabo sharci ah oo arrimahooda waafaqsan, haddii ay jirto cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan Maamulka Sare ee Gobalka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Axmed-nur Maxamed
Madaxa Warfaafinta Xafiiska Guddoomiyaha G/Banaadir
Muqdisho, Soomaaliya