ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan somaliland iyo Soomaaliya Peter De Clerk ayaa ka hadlay xaalada ka deegaanka deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool.

0

ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan somaliland iyo Soomaaliya Peter De Clerk ayaa ka hadlay xaalada ka deegaanka deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool.Peter De Clerk ayaa ugu horayn  si weyn uga hadlay xaalada bani aadaminimo ee ka taagan deegaanka Tuka-raq ee ay ku dagaalameen somaliland iyo maamulka Puntland ee ka tirsan soomaaliya waxaanu yidhi “Ugu horayn waxaan odhan lahaa gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan kacdoonada dagaal iyoxaalado bina aadaminimo, waxaanay ka mid yihiin meelaha kooban ee ka dib roobabkii wanaagsanaa ee  dayey todobaadyadii la soo dhaafay ka sokow ay wali ka jiraan qalalaasuhu, sidaas darteed
xaalada bani aadaminimo wali ma dagana xataa marka la eego khilaafka dagaal ka hor.”ayuu yidhi Peter De Clerk oo u waramay VOA

Sidoo kale Peter De Clerk ayaa soo bandhigay tirada dadka ku barakacay dagaalka Tuka-raq waxaanu yidhi “Dagaalka waxa ku barakacay dad gaadhaya 12,500 oo qof kuwaas oo ay daryeelayaan hay’addaha gargaarku, markii ay  barakacaan dadka aanay xaaladoodu sugnayn baahidooda bani aadaminimo way ka soo balaadhan tahay, Waxaan ugu baaqayaa labada dhinac ee is haya inaanay colaad kale hurin, taas oo abuuri karta qalalaase bani aadaminimo oo weyn.”

Sidoo kale Peter De Clerk ayaa si weyn uga dayriyey xaalada haatan ka taagan deegaanka Tuka-raq waxaanu yidhi “Xaaladu haatan way kacsan tahay, waxaanan fahansanahay inay sii kordhayaan tirada ciidamada ku sugan deegaanka Tuka-raq, waxaana jirtay in rasaas ay is waydaarsadeen labada dhinac todobaadyadii aynu soo dhaafnay laakiin khilaafka aanu ka cabsi qabnaa wali muu dhicin hase yeeshee xaaladu waxay ku dhaw dahay inuu khilaaf curto.”

Peter De Clerk ayaa sheegay inay caqabad tahay inaanay wali labada dhinac wada hadal waxaanu yidhi “Labada dhinac wali islama hadlayaan haday tahay dhinaca  siyaasada iyo heerka farsamo ee saraakiisha milatariga, qalad yar ama is fahandaro yar oo dhacda ayaa keeni karta inay colaadu hurto, waxaana ka dhalan karta dhibaato laxaad leh oo bani aadaminimo.”

Sidoo kale Peter De Clerk ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay hogaamiyeyaasha somaliland iyo maamulka Puntland, isaga oo labada dhinac u soo jeediyey inay wada hadlaan waxaanu yidhi “Waxaan labada dhinacba hogaamiyeyaashooda kula hadalnay khadka telefanka, manay ahayn mid ku kooban qaramada midoobay balse waxay ahayd mid aanu la kaashanay xubnaha beesha caalamka, aniga ayaana booqday Garoowe iyo Hargeysa todobaadyadii la soo dhaafay waxaanan gaadhsiiyey dareenka beesha caalamka ee ku wajahan xaaladan gaar ahaan cawaaqibka bani aadaminimo ee ka dhalan kara, waxaanan ku boorinay labada dhinac inay sii wadaan xabad joojinta oo ah mid aan si rasmi ah layskula gaadhin, waxaanan u soo jeedinay inay wada hadlaan oo ay xaqiijiyaan in hay’addaha bani aadaminimo gaadhi karaan goobaha lagu dagaalamay.”