DE DEG Al Shabaab oo Hoobiyeyaal Ku Duqeeyay Muqdisho

0
Qarax Muqdisho
Dhowr qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday weeraro hoobiyaal ah oo ururka Al-Shabab ay ku qaadeen magaalada Muqdishu.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in hoobiyayaashan ay ku dhaceen xaafad ay deggan yihiin dad rayid ah oo ka tirsan degmada Wadajir.

Sida aynu ku helayno wararka ka imanaya Muqdishu ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyootay kuwo kalena way ku dhaawacmeen weerarkaas.

Ururuka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas.

Xigasho VOA