Maxay qabatay wasaaradii Cusbayd ee Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidku,

0

Xukuumada Somaliland ee Uu Hogaamiyo Madaxwayne Biixiย  Hada Waxay Jirtaa Mudo Todaba Bilooda ,Wasaaradihii Cusbaa ee uu madaxwayne muuseย  kusoo kordhiyayย  dawladiisa ย Waxaa Kamid ahayd ย Wasaarada Horumarinta Jidadaka iyo Gaadiidka oo uu Wasiir Uga Dhigay Cabdilaahiย  ย Abokor,

Runtii Samaynta Wasarada iyo Sida Laysku Raaciyay wadadii iyo Gaadiidkii Madaxwaynuhu Wuu Asiibay , Muadadii Lixda Bilood ahayd ee wasaaradani Jirtaynaย  Waxa Badan Ayaa Laga qabtayย  Wadooyinkii iyo Habayntii Gaadiidkaba,

Wadada Ugu Socodka badanย  Somalilandย  Waa Berbera iyo Haygaysa Wadada u Dhaxaysaย  oo rafaad badan Babuurtu ku qabtayย  inakstooย  Xukuumadii Axmed Siilaanyana Waxa badan ka Qabatay hadanaย  Mar walba waxay u bahnayad gacan Ku hayn ,

Wasiir Cabdilaahi Abokorย  Wuxuuย  ku Guulaystayย  in uu si Joogta ah Uga

Shaqeeyo Wadooyinkaย ย  Waana Taa ta sababatay inย  Wadooyinkii Magalooyinka Waawayn u Dhexeeyayย  siwayn loo dayac Tiray Gaadiidkuna ka raystaan Dhibaatadii Kasoo gaadhi Jirtay,

Wasaaradan Cusub ee uuย  wasiirka ka yahay Cabdilaahi Abokor Waxyaabaha uu Ku Guulaystay in uu qabto waxaa kamida,

1. Waxay dib u bilawday dhismaha waddada Ceerigaabo

2,Waxay dayac tir ku sammaysay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera laga soo bilaabo Controlka bari ilaa tuullada macaaneeye

3. Waxa ay calaamadinti jidadka ku sammaysay waddada Hargeysa ilaa Berbera.

4. Waxa ay dayactir ku sammaysay biriijyadda cabaadweyne oo ay dhistay wasaaradda horumarinta jidadku.

5. Diiwaan galinta gaadiidka dawlada

6. Dayactirka guud ee xarunta wasaaradda Horumarinta jidadka iyo gaadiidka

7. Waxay furtay oo ay kaga shaqaysiisay xafiiska goboladda ee wasaaradda jidadka iyo horumarinta gaadiidka

8 .Mashruuca qaadhaan ururrinta dhismaha waddada Goboladda Awdal.

Waxaana Marag Doonaย  Markaad Maanta safar ku Gasho wadada u Dhaxaysa hargaysa illaa Burco iyo hargaysa Illaa Boorama In Aad dareemi Kartoย  Wax qabadka Laga sameeyaay wadooyinkaa,

Waxaase Iyana Muhiima in wasaaradani Qorshe wado marineed u samyso gaadiidka Ethipian ka ee Jiidanaya Rimoodhka oo Bur Bur u gaysta wadada laamida ah, waxaan haboon In Gadiidkaa waawayn ee isjiidka ahi ay Soo xambartaan Rimoodhkooda Sida Cadiyanba aay sameeyaan markay jabuuti tagayan, taasina waxay ka badbaadinaysaa wadooyinkaย  Burburka De dega ah ee Gaadiidkaasi sababaan,