Madaxwayne tayyib Erdogan oo Marlbaad Ku Guulaystay Hogaaminta dalka Turkiga,

0

Hogaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guu;leystay madaxweynanimada dalkaasi turkigaiyada oo la tiriyey codadki doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay hogaaminayaa boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7.

Erdogan ayaa la xaqiijiyey inuu helay 52.5codadka la dhiibtay oo dhan, uuna marlabaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi oo ay guusha sidaas ku raacday oo aanan la aadi doonin wareeg labaad.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen in codadka lagu shubtay iyo inay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixinta ah.

Codbixiyayaasha ayaa waxa ay dooranayeen madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka. Xisbiga AK ee Mr Erdogan ayaa ku horreeya kuraastaHaddaba iyadoo la tiriyay boqolkiiba 99% codadkii doorashooyinka baarlamaanka, ayaa xisbiga Madaxweynaha ee AK waxay guusha ku raacday 52.5, waxaa sidaas ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP ayaa waxa uu uruursaday boqolkiiba 30.7, xisbiga Aksender