Dhakhaatiirtu wa inaay sameeyn ficilo wanagsan si talada aay siiyan bukaanka u qaatanm masalan dhakhtrku ha joojiyo sigaarka, jimicsina ha sameeyaa,

0

Ururka dhakhaatiirta qosyak ee dalka Ingiriiska ayaa kulan ay yeesheen ka soo saaray baaq ay dhakhaatriita ugu soo jeedinayaan in ay iyagu tusaale u noqdaan dadkooda, oo halka ay talooyinka caafimaad ka bixinayaan, iyaga laga arko iyaga oo ku dhaqmaya.

Xeeldheereyaal caafimaad oo Ingiriis ah ayaa sheegay in ay waajib tahay in dhakhaatiirta laftooda lagu dhiirrigeliyo in ay sameeyaan ficillada caafimaadka u fiican ee ay bulshadak ula taliyaan. Tusaale ahaan in ay baaskiillo shaqada u soo kaxaystaan ama lug ku yimaaddaan si caafimaadkoodu u fiicnaado, dadka kalana u arkaan oo ugu daydaan.

Dr. Andrew Boyd oo ka tirsan kuliyadda boqortooyada ee dhakhaatiirta guud, ayaa sheegay bukaanku ay dhaqan u leeyihiin in ay arrimaha caafimaadka ficil ahaan ugaga daydaan dhakhaatiirta. Dr, Andrew waxa uu intaas ku sii daray in boqolkiiba 40 keliya oo dhakhaatiirta ka mid ahi ay raacaan talooyinka ay dadka siiyaan, oo uu ku jiro jimicsiga jidhka, cunto cunista caafimaadka qabta iyo sigaarka oo la iska daayo.