Danjire Michael Keating Oo Ka Jawaabay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

0

Wakiilka xogyahaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan somaliland iyo soomaaliya Michael Keating ayaa jawaab ka bixiyey warqad dacwad ah oo uu ka gudbiyey madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Danjire Michael Keating ayaa sheegay in xoghayaha guud ee qaramada midoobay u wakiishay inuu ka jawaabo dacwadii ka soo gaadhay madaxweynaha somaliland, waxaanay jawaabta Keating uu u soo diray madaxweynaha somaliland u  dhignayd sidan:-

Xoghayaha guud wuxuu iga codsaday inaan kaaga soo jawaabo warqadaadii 28 May 2018 ee la xidhiidhay colaadda Tukaraq.

Xoghayaha guud waxa uu ka niyadjabsan yahay, xilli horukac la taaban karo laga sameeyey geeddi socodka nabadaynta iyo dhismaha dawladnimada

Soomaalida, in ilihii milateri ee yaraa, qiimahana lahaa, halkii ay ka ahayd in loo isticmaalo wax-ka-qabashada amni darrada, in loo isticmaalay khilaaf sababaya darxumo weyn iyo in nafo lagu waayo. Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in la fuliyo afartii qodob ee aan kula wadaagay oo ay ku jireen in colaadda la joojiyo, xabad joojin la hirgeliyo, la aasaaso janalo ay ku xidhiidhaan taliyayaasha ciidamadu, iyadoo si buuxda loo ogolaanayo in caawimo bini-aadminimo la gaadhsiiyo  dadka shacabka ah ee ay saamaysay iyo in maxaabiista la sii daayo si kalsooni loo dhiso.”

Arrinta la xidhiidha mawduuca mawiqfka Somaliland, xoghayaha guud wuxuu ku talinayaa inay jiraan qaabab caalami ah oo loo dejiyay  inay raacaan deegaanada doonaya inay gaadhaan aayo ka tashi oo ay aqoonsadaan dalalka beesha caalamku kana mid noqda Qaramada Midoobay. Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqayaa Somaliland inay dib u bilowdo wada hadaladii istaagay ee Somaliya.

Xoghayaha guud wuxuu I faray inaan sii wado inaan dhinacyada kala shaqeeyo in la dhammeeyo colaadda tukaraq iyo inaan fududeeyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.”

 

XIGASHO HADHWANAAG NEWS HARGAYSA  OFFICE