Turkiga iyo Hindiya oo canshuuro dheeraad ah ku soo rogay Mareykanka

0
India flag combined with turkey flag

Hindiya iyo Turkiga ayaa canshuuro cusub ku soo rogay badeecooyiinka Mareykanka laga keeno taasi oo ay uga jawaabayeen canshuuraha uu Mareykanka ku soo rogay Birta iyo Naxaasta dibadda looga keeno.

Dowladda Hindiya ayaa soo saartay liiska waxyaabaha ka soo go’a beeraha iyo Birta iyo Naxaasta oo canshuuro dheeraad ah lagu soo rogi doono.

India flag combined with turkey flag

Waxa ay dowladda Hindiya sheegtay in canshuurtan ay taabagal noqon doonto bisha August ee soo socota.

Turkiga ayaa dhankooda canshuuro dheeraad ah la bartilmaameedsaday dhuxusha ,Sigaarka, Gawaarida iyo badeecooyiin kale ee ay Mareykanka dhoofiyaan