Raysal wasaraha Ethiopia oo Ka Hadlay Wafti Uu Soo Dirsanayo Madaxawyanaha Erataria

0

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa soo bandhigay sidaa uu u arko wefti ka socda dalka Eritrea oo uu soo diray madaxweynaha dalkaasi oo dhawaan iman doona dalka Itoobiya

Raysal  wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmad ayaa soo dhaweeyey una hambalyeeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki aqbalaadda uu aqbalay baaqii Itoobiya ee ahaa in la dhameeyo murankii dhanka xadka ee  labada waddan ku saabsanaa ee mudada dheer soo jiitamayay.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uu sheegay in uu wafdi u dirayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si loo sii wado baaqii nabadda iyo Itoobiya oo ogolaatay go’aankii guddiga Qaramada Midoobey
uu ka gaadhay murankii xadka labada dal.

Dagaal labadan dal dhex maray intii u dhaxeysay sanadadii 1998 iyo 2000 ayaa la sheegayaa in Itoobiya ay kaga dhinteen qiyaastii 50,000 oo qof halka Eritrea ay ku wayday  qiyaastii 20,000 oo qof.

Bishan horaanteedii ayaa isbahaysiga Itoobiya xukuma ee EPRDF wuxuu aqbalay go’aankii 2002 uu gaadhay guddigii Qaramada Midoobey ay u saartay muranka xadka labadani dal oo siiyey Eritrea dhulkii la isku haystay.

Madaxweynaha Eritrea Issaias Afwerki oo Tv dalkiisa ka hadlay oo ka jawaabaya baqii nabadda ethiopia wuxuu soo dhaweeyey talaabada ay itoobiya qaaday.

Madaxweyne Afawerki wuxuu ka hadlay wixii hore u kala qabsaday lada dal, wuxuuse yidhi marka la eego sida xaalku yahay iyo wixii ay ka sheegeen baraha bulshadu ku wada xidhiidho iyo warbaahinta waxaan wafdi u direynaa Addis Ababa si ay u soo fahmaan xaaladda.

 

 

 

Source:-BBCsomali