Cajiib, Nin Aaskiisii Loo dareeray oo Gurigoodii Iska Soo galay, Siday wax u Dhaceen

0

Nin ka soo jeeda tuulo ku taalla dalka Paraguay ayaa dib ugu soo laabtay gurigooda, ka dib markii la waayay muddo saddex maalmood ah oo ay qoyskiisa u maleeyeen inuu dhintay.

Juan Ramón Alfonso Penayo oo 20 jir ah ayaa markii ugu dambaysay ehelkiisa ay ahayd Khamistii, xilli la sheegay inuu aaday xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Brazil.

Deegaanka uu ninka u kacay ayaa ah goob ay ku xooggan yihiin buracadda daroogada, balse Penayo ma uusan soo laabanin in muddo ah, waxayna u haysateen qoyskiisa in halkaasi lagu khaarajiyay.

Booliska dalka Paraguay ayaa Axaddii mayd la gubay ka helay aaggaasi, islamarkaasna waxay sheegeen inuu yahay Penayo.

Qoyskiisa ayaa doonayay inay sameeyaan munaasabad aas ah oo loo qabanayo ninkan loo maleeyay inuu dhintay.

Markii uu si nabddoon ku soo laabtay Penayo ayaa maydkii isaga loo malaynayay oo aanan la aqoonsan waxaa la geeyay qolka maydadka ee aggaasi.

Saraakiisha dalka Paraguay waxay sheegeen in ilaa iyo haatan aan la aqoonsanin maydkaasi.

Mana la oga halkii uu ku maqnaa iyo waxa u qabanayay Penayo saddexdii maalmood ee la waayay.