Ciidamada Dawlada Yemen ee Xulafada Khaliijku Badhitaaraan oo Weerar Culus ku Ekeeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada XUDAYDA

0

Ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu ay tagaeeraan ayaa weerar culus maanta ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada mucaaradku ay haystaan ee Xudeyda.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in weerarka la fuliyey, ayada oo ciidamada ay taageero ka helayaan duqeymo xooggan oo lala beegsaday fariisimaha Xuutiyiinta ee garoonka.

Toddobaadkii tagey ayaa isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo waxay billaabeen weerar cirka iyo gantaalo ah oo ka dhan ah mucaaradka Xuuitiyiinta ee Iran ay taageerto, ayaga oo isku dayaya inay ceyriyaan mucaaradka oo magaalada Xudeyda maamulayey labadii sano ee tagtay.

Dekadda magaalada Xudeyda ayaa muhiim u ah dhaqaalaha dalka Yemen, waxaana laga soo dejiyaaa 70% dhammaan badeecadaha yimaada dalkaas.

Sacuudiga ayaa ku eedeeyey Xuutiyiinta inay dekadaas u adeegsadaan in ay kasoo dejiyaan gantaalo kadibna ay ku weeraraan dhulka Sacuudiga.