Gobolka Saaxil marnaba uma eegaan karo gobolada SOOL ,SANAAG iyo TOG-dheer” Maxamed Axmed muuse

0

Gobolka Saaxil marnaba uma eegaan karo gobolada SOOL ,SANAAG iyo TOG-dheer.

Gobolka saaxil maaha meel la mid ah sool iyo sanaag.
Gaar ahaan degmada berbera waa maagalo xadaarad fog iyo taariikh fog leh, Ma noqon karto meel ay kolba inta ay qolo inta ay Tv ga soo fadhiisato siday doonto af qabiil ugu hadli karto.
Dhaqankaas meel baa lagu og yahaye halkiisa halo daayo.

Taariikhda waligay maan maqlin degmada berbera oo is kala guraysa oo qolo qolo isu kala guraysa dhaqankaasi maaha dhaqan ay berberi lahayd.

Waxaan baaq dheer ku leeyahay arintaa ka waan tooba.
Dhalin yaradana dhagaha haka xumaynina.
Waxaan ahay xildhibaan ka sharaxan gobolka Saaxil marnaba ma maqli karo wax ceeb ku ah gobolka iyo degmooyinkiisa.

Sidaa daraadeed Somaliland dawlad ayaa ka jirta qofkii ka cabanaya arimo sharci, haw maro dariiqa sharciga qofkii ka cabanaayaa arimo siyaasadeed haku biiro xisbiyada qaranka.

Waxa sidoo kale xusid mudan in degmo kastaaba ay leedahay gole deegaan.
Wax kasta oo deegaanka ku saabsana golaha deegaanka ayaa ka doodaaya oo ka hadlaaya xalna ka soo saari kara.
In ay dhibaato jirtona xildhibaanka golaha degmada ayaa cadayn kara waayo isaga ayay u taala oo shaqadiisii ay tahay.
Maxay ku dhacday oday-dhaqa meedow in aad xildhibaan aad soo saarto oo aad tidhaahdan isaga ayaa na ma talaya hadana aad idinku microphone soo qaadataan oo aad tidhaahdaan anagaa deegaanka u hadlayna!
Mayor kii ayaa meesha ka saarteen oo police kii ayaa meesha ka saarteen oo badha saabkii ayaa meesha ka saarteen! Oo markaa meeshu waaba cidla e!
Arintaasi qaranka Somaliland dhib ayay ku haysaa ee ka waan tooba in aad cadaysataan wax aan sharaf iyo wanaag midna inoo lahayn.

Oo qabyaalad cad Tv ga Lala soo istaagayo Waa mid sub-xaanalaah.

Ugu dambayn gobolka iyo degmooyinkiisu Waa dad walaalo ah oo aan Lahayn Calaamad kala saarta oo dhan kastana iskaga mid ah sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka Somaliland meel ay joogaanba gaar ahaan kuwa Berbera in aanay qalad noocan oo kale ah aanay mar dambe samaynin falal sidan oo kale ah oo gobolka iyo dadkiisaba sumcadooda wax u dhimaaya.
Waxaan idiin rajaynayaa guul iyo gobonimo.

Gudomiyaha UCID France

Maxamed Axmed muuse