Talyaaniga Oo Albaabadda Ka Xidhay Muhaajiriintii Ka Imanayay Dalka Liibiya Iyo Markab La Diiday Inuu Dekeda Ku Soo Xidho

0

Talyaaniga Oo Albaabadda Ka Xidhay Muhaajiriintii Ka Imanayay Dalka Liibiya Iyo Markab La Diiday Inuu Dekeda Ku Soo Xidho

Dowladda Talyaaniga ayaa diiday Markab soo badbaadiyay muhaajiriin inuu ku soo xidho Dekedaha dalkiisa, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay ee Talyaaniga ku hor-istaago qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya dalka Libiya.

Markab laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa xeebaha Libiya ka soo badbaadiyay illaa 600 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo doon ay saarnaayeen ay badda dhexdeeda ku jabtay.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Talyaaniga Matteo Salvini ayaa diiday in Markabka soo badbaadiyay muhaajiriinta inuu ku soo xirto dekedaha ay ka soo dagayeen muhaajiriinta sanadihii u dambeeyay.

Mr Salvini ayaa ka dalbaday maamulka Jaziiradda Malta in markabkaas ku soo xirto Valletta oo ah Caasimadda Malta.

Hase ahaatee Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in