Sida uu baahiyey Wargeyska World street journal Dekeda magaalada Berbera ee jamhuuriyada somaliland ayaa ka mid ah dekedaha muhiimka ah ee ku dhaw marinka caalamiga ah ee Canal Suez

0

Dagaalka u dhaxeeya wadamada bariga dhexe ayaa saamayn ku yeelanaya qaar ka mid ah dekedaha ku yaala bariga qaarada Afrika.

Sida uu baahiyey Wargeyska World street journal  Dekeda magaalada Berbera ee jamhuuriyada somaliland ayaa ka mid ah dekedaha muhiimka ah ee ku dhaw marinka caalamiga ah ee Canal Suez  iyada oo 260 mile u jirta wadanka yemen ee dagaalada sokeeye ka socdaan, taas oo xudun u noqon karta dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya wadamada khaliijka.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa warbixinta uu baahiyey ku sheegay in Maqnaanshiyaha meelaha muhiimka sida dekeda magaalada Berbera ay ka dhigan tahay in la xidhoganacsiga bada cas mara, iyada oo dekeda magaalada Berbera ay tahay meel degan isla markaana muhiim ah, taas oo isku dheeli tirta xoogaga bariga dhexe.

Dekeda Berbera waxay u dhaw dahay marinka muhiimka ah ee Suez Canal dhinaca kalana waa marinka ugu dheereeye uguna culus ee isku xidha maraakiibta ganacsiga ee u kala gooshaysa  qaaradaha Yurub iyo Aasiya, iyada oo ay maraan 10% ka mid ah ganacsiga aduunka ee badaha kaas oo ay ku jiraan 10% ka mid ah ganacsiga saliida marka la eego xogta qaramada midoobay.

Sida ku cad warixinta uu baahiyey wargeyska Wall Street Journal Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa aaminsan in somaliland ay cagaha la gashay dano sumaysan “waxaanu ku dhex jirnaa tartanka u dhaxeeya wadamada khaliijka ee isku haya Suniiga iyo shiicada, Maraykanka, Ruushka, Turkiga iyo Qatar, Waana kula sun ah oo u dhaxeeya dano isdiidan.”ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada somaliland

Dekeda Berbera iyo goobo kale oo ku yaala xeebta waqooyiga ee Geeska Afrika ayaa ah kuwo muhiim ah maadaama oo ay u dhaw yihiin wadanka Yeman, waana marxalad u dhaxaysa wadamada Sucuudiga iyo Iiraan oo iska horjeeda  kuwaas oo haatan isku haya meelo ka baxsan bariga dhexe, iyada oo dalka sucuudigu uu ilaa sanadkii 2015-kii dagaal kula jiro Xuutiyiinta Yeman oo uu aaminsan yahay inay hubaynayso isla markaana tababarayso dawlada Iiraan halka xukuumada Tehran ay ganafka ku dhufatay eedayntaasi.