Waxba kama Jiraan in Maxaabiis u Xidhan Budhcad Badeednimo Lagu Jidhdilay Xabsiga hargaysa, taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland

0

Taliye ku xigeenkaย ย  Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Xasan Cali Cawadย  (Xasan Cali Dheere), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayeyย  in xabsiga Hargeysa lagu jidh-dilayย  maxaabiis u xidhanย  budhcad baddeednimoย  oo sannadkii 2009kiiย  laga soo xidhayย  jasiiradda Seychelles kaasi oo uu baahiyey Telifishanka Goobjoog ee Soomaaliya.

Taliye Ku xigeenka ciidanka Asluubta oo maanta u warramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay inay la yaabeen war ay telefoon ku duubeen saddex ka mid ah maxaabiista ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo la hadlayย  Telefishan Xaruntiisu tahay Muqdisho.

โ€œWaanu la yaabnay warkaas, saddex maxbuus oo jeelkan ku jira oo ka mid

ah maxaabiistii lagu maxkamadeeyeyย  jasiiradda Seychelles oo waliba iyagu codsaday in xabsiga Hargeysa la keeno, ayaa warkaas si kastaba ha u duubeenne duubay waxayย ย  ku duubeen Mobile ย galay xabsiga oo aanu imika hayno oo aanu markii dambe ka qaadnay,โ€ayuu yidhi Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubtu.

Waxa kaloo uu tilmaamay in maxaabiistani yihiin kuwo caalami ah isla markaana aanay jirin sababย  loo jidh dilaa, waxaanu yidhi; โ€œMaxaabiistaniย  way xukunaayeen waxaanay ahaayeenย  maxaabiis caalamiya, sabab xabsigan loogu jidh-dilaa ma jirto, waliba xannaano gaar ah ayaanu xanaaneyn jirnay jaaliyadda iyo odayaasha Soomaaliya ee Hargeysa jooga waanu ka wada soconay wixii xabsigu ka dhammaado si wada jir ah ayaanu iskaga xil-qaamaynay oo u dhoofinaynay.โ€

โ€œMaxaabiistani warka ay sheegeen wuxuu noqday mid aad loola yaabay oo aanay waxba ka jirin, โ€ayuu yidh Taliye Xasan Cali Dheere.

Taliye Ku-xigeenka Asluubta oo la weydiiyay waxa jira in mid ka mid ah maxaabiistani uu ku dhintay jeelka Hargeysa waxa uu yidhi; โ€œWarkaasi ma jiro jeelka Hargeysa ma aha xabsiyadii hore ee dawladdii Siyaad Barre ee dalka lagu ciqaabi jiray. Waa xabsi ururrada xuquuqul aadanahaย  u furan, waa xabsi ay looyarradu galaan. Waa xabsi ay bahda caddaaladda oo dhami ay gasho maxaabiis xukuman sabab loo jidh-dilaana ma jirto.โ€