Wariyihii Ruushka ee la sheegay in lagu diley Kiev oo la arkay isaga oo nool

0

Wariyihii Ruushka ee la sheegay in lagu diley Kiev oo la arkay isaga oo nool

Wariyihii Ruushka ee la sheegay in lagu dilay magaalada Kiev ayaa kasoo muuqday taleefishin isaga oo nool, islamarkaasna bad qaba.

Mr Babchenko ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id oo uu ku qabtay dalka Ukrainian.

Madaxa sirdoonka dalka Ukraine Vasyl Hrytsak, ayaa ka sheegay shirkaasi jaraa’id in dilka uu ahaa mid la jilayay si loo ogaado shirqoolada sirdoonka Ruushka.

Xaaska Mr Babchenko ayaa horey u sheegtay in ninkeeda dhabarka laga toogtay.

Saxafigan horey uguma sheegin xaaskiisa in dilkani uu yahay mid jilliin ah “gaar ahaan waxaan raali galinayaa xaaskeyda,” ayuu yiri.

Ra’isulwasaaraha Ukraine ayaa mar sii horeysay dilka wariyaha, Mr. Bebchencho, ku eedeeyay dowladda Ruushka, iyada oo Ruushka ay ku baaqday in la baaro dilka, eeddana dusha ka saartay xukuumadda Kiev