31-ka May Saddex Dhacdo Oo Is Barkan Xusuus Gaar Ahna Ku Leh Qulubta Umadda Somaliland” Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal

0

Waxay ahayd malin uu inaga  baxay  mujaahid Adan shine oo uu gob kula geeriyooday mujaahid siyaad oo ka mid ahaa macalimintii dugsiga Farah Omar.

 

2- Waxay ahayd dhacdadii gudagalkii  dalka ee dagaalka lagala hortegey Taliskii  naxarista darnaa ee aan dad iyo duunyo kala reebin laguna tuuray heeryadii gumaysiga.

 

3-Waxay ahayd dhacdo kale oo taariikhi ah  oo dhacday kalana  cadaysay in aanay gorgortan geli karin gooni isu taaga  Jamhuuriyadda  Somaliland,  Aftidii shacabka laga qadayna codka Haa la yidhi  97% .

Isagoo noqday  distoor lawada leeyahay oo qaran, qabil iyo qoysba ku badhaadhay dhamaanteed

bulshadu walaaha ahi khalad iyo saxna kala saaray.

 

Waxa beenowday oo aan rabaa inaan hosta ka  xariiqo halkudhayo ay fidin jireen dhangagalayashu iyo kuwii Somaliland kasoo horjedey oo ahayd (waa shaadh nin loo tolay oo lagu qiyaasay,  Xataa kuwii sida lahaa ayuu shaadhkii leekaaday) waxaan leeyahay halayska jiro hadalada xanafta leh ee umadda kala fogaynaya uur ku taaladana reebaya.

 

Waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Somaliland gudo iyo dibedba.

Waxaan si gaara u salaamayaa ciidanka qaranka oo aan leeyahay weligiin jira oo jooga.

 

Ramadan karim

Wa bilahi tawfiq

Marwo Kaltum