Ampsador Kaysar oo Ka Hadlay in uu xamar tagayo iyo In kale

0

Wasiir xigeenkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Kaysar Maxamed Cabdillaahi ayaa ka hadlay dad uu sheegay inay soo waydiiyeen in Xamar u socdo si uu xubin uga noqdo dawladda Soomaaliya.Kaysar Maxamed Cabdillaahi ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook oo uu kaga hadlayo arrintan waxa ku yidhi:

“Kaysar Xamar uma Socdo !

Asalaamu Calaykum

Waxaa isoo gaadhay Taleefano iyo Emailo kala duwan oo aan aad ula yaabay kuwaas oo isoo weydiiyay inaan Muqdisho u socdaalayo kuna biirayo maamulka Farmaajo.

Waxaan halkan ku cadaynayaa kuna sheegayaa inaan arrintaas waxba ka jirin, kuna talo-jirin.

Qaranka Somaliland waxaanXorriyadiisa iyo Horumarkiisa ugu soo dagaalamay Qalin iyo Qoriba, Qawl iyo Ficilba mana ahi mid ka nasanaya ilaa aynu ka xaqiijinayno Qaranka Somaliland oo Aqoonsi buuxa ka hela Caalamka, Ummadiisuna ay gaadho Barwaaqo, Horumar iyo Cadaalad ay Muwaadiniintiisu si siman u qaybsadaan Awwooda iyo Khayraadka Dalka.

Waxaan u sheegayaa inta aan ogayn in Xukuumada Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadiisa aan la shaqeeyo si joogto ah aniga oo aan Dawlada Xil ka hayn, lagana yaabo inaan uga shaqo iyo waxtar badanahay kuwo Xilal haya.

Ugu danbayn Waxaan usoo Jeedinayaa Dadweynaha reer Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba inay u shaqeeyaan Qarankooda oo ay is barbar taagaan Xukuumadooda xiligan aynu ku jirno ee la inagu soo qaaday Weerarka wajiyada badan. Waxaanan hadalka ku soo uruurinayaa Allah Mahadi haka gaadhee in aan Shaqo fiican haysto baahi aan Xamar iyo Cid kale Xil uga doontaana aanay jirin.

Somaliland ha Guulaysto”