Wasiir ka Tirsanaa xukuumadii Axmed Siilaanyo oo u Riyaaqsan dawlada xamar Marxabaynteeda,

0

Ambasaddor kaysar cabdilaahi maxamed oo dhowr xil ka soo qabtay Xukumaddii hore ee madaxweyne siilaanyo ayaa ka hadlay xilka dawladda soomaaliya u magacawday guddomiyaha maxkamadda sare ee somaliya baashe yusuf, walow xilkaas ay ka hadleen siyaasiin iyo masuuliyin hore uga tirsana xukuumadihi hore somaliland iyo masuliyiinta imminkuba dhammaantoodna ay walaac ka muujiyeen iyagoo badankoodu u baqay naftiisa guddoomiyaha maxkamadda sare.

 
haddaba masuliyiinta aan
intii xukuumaddiisu dhacday masraxyada siyaasadda lagu arag waxa ka mida kaysar oo hore usoo noqday , safiirka wareega ee somaliland, wasiirkuxigenka ganacsiga iyo wasiirkuxigenka qorshaynta, isagoo kamid ahaa dadki u ololeeyey muuse bixi walow aanu xil u magacaabin madaxweyne Biixi, 
haddana waxa uu shalay bartiisa facebook kaga hadlay xi magacaabistaas baashe ee farmaajo u magacaabay guddomiyaha maxkamadda sare, isagoo u muuqday mid ku faraxsan xilkaasi isla markaasna u jawaabay proff cabdi ismaciil samatar oo sharci jebin iyo sharci darro ku tilmaamay xilka loo magacaabay baashe wuxu ku yidhi qoraal uu soo dhigay amb kaysar bartiisa facebook sidan
Professor samatar isagoo dhex fadhiya xafiis dugsoon oo ku dhex yaala maraykan ka ayuu xaasidayaa wiil yaroo dhalinyaro ah oo mustaqbal raba oo shaqo ka helay dal ay soomaalidu leedahay oo u furan qof kasta oo asalkiisu uu soomaali yahay ! “
Qoraalkaas waxa ka fal celiyey xubno badan oo siyaasiin suxufiyiin iyo asxaabtiisa kaleba isugu jira oo ay baraha bulshada asxaab ku yihiin, kuwaaso intooda badani u arkayey in amb kaysar na uu u shaqo tagayo Soomaliya, maadaama uu difaacayo nin qarankiisa khaayimay oo u shaqo tagay waddan xaasidnimada reer somaliland ay ku hayaan la hagaagi la’ oo aanay garsoor iyo dawladnimo toona ka shaqayn.
Qoraalkiisa ayaa sidoo kale loo arkay inu xil uu madaxweyne Biixi siiyo ku ruxanayo, maadaama xukuumaddii siilaanyo uu dhowr sanno la so shaqeeyey.
inta Badan Masuliyiinta xilalka loo magacaabi waayo ayaa u kala qaybsama kuwo qaddiyadda xil ku aaminsaana iyo kuwo qaddiyadda qof ahaan iyo qaran ahaan u aaminsan, waxayna kala caddaataa marka xil loo dhiibi waayo iyo mustaqbalkoodu sida uu ku danbeeyo, illaa iminkana ma jirto masuul xil looga magacaabay soomaliya oo diiday xilkaas isagoo ilaalinaya sharafta qaranka somaliland iyo dalkiisa aanu ka maarmaynin ee hadhow loo baryi doono marka xilkaasi ka dhammaado.