Gudoomiyaha Cusub ee maxkamda sare ee Ssoomaaliya Waligii Xukun Muu Go,aamin, Prof Abdi samatar

0

:-Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay maxkamada sare ee soomaaliya.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa dhaliilo badan oo la xidhiidha dhinaca garsoorka u jeediyey gudoomiyaha cusub, isaga oo xusay inaanu waligii maxkamad ka shaqayn.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo sifaynaya gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee soomaaliya Baashe Yuusuf  Axmed ayaa waxa uu yidhi “Waligay maan maqal maanta horteed, waxaana igu maqaalo ah oo aan isku dayey inaan hubiyo in ninka la soo magacaabay wali inaanu maxkamad  fadhiisan oo intuu soo fadhiistay isaga oo qaadi ah ama xaakim ah sharci muu goyn  oo

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa khalad weyn ku tilmaamay in masuulkan loo magacaabo maxkamada sare ee soomaaliya waxaanu yidhi “Nin aan wali maxkamad soo fadhiisan ku soo boodsii oo dusha kaga keen maxkamadii qaranka ugu saraysay, waa jariimad weyn  haday taasi dhab noqoto waa jariimo weyn oo halis galinaysa in shaqadiisa lagaga daba yimaado, haday dhab noqoto inay habro wadaag yihiin raysal wasaare ku xigeenka meeshaasina shaki badan ayaa ka abuurmaya oo waxaad moodaa inay samaysmayso kudladi, baarlamaanku waa inuu ka madax banaanaado dawlada  dawladuna shaqadeeda ha  qabsato qolada garsoorkuna waa inay madax banaanadaan.”

Prof Cabdi Samatar ayaa sheegay in laga soo baxay dagaalo aan loo baahnayn oo ay abuurtay dawladu, isaga oo sheegay in si xushmad daran xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee golaha shacabka waxaanu yidhi “Waxaynu ognahay dagaalo cusub oo laga soo baxay oo aan loo baahnayn kuwaas oo ay dawladu keentay oo ahaa in si aan asluub wanaagsanayn shaqadii looga qaaday jawaari, ha shaqeeyo ama yaanu shaqayne.”

Ugu dambayn prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in garsoorka soomaaliya ay dhib ku tahay masuulka loo magacaabay maxkamada sare waxaanu yidhi “Qof aan maxkamad soo fadhiisan inta la soo qaado maxkamadii wadanka ugu saraysay dhakada halagaga fadhiisiyo oo xaakim haw noqdo dhib ayey ku tahay wadanka, jariimad iyo gefna waxay ku tahay garsoorka.”