Wadan Afrika ah oo Qani Ku ah Dheemanta oo laga xaday Dheeman Bilyans Doolar ah iyo Cida aay u Ku Tuhmeen

0

Guddi ka tirsan baarlamanka dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay ku cadaadiyaan madaxweynihii hore ee dalkaas Robert Mugabe inuu keeno caddeymo muujinaya halka ay ka baxeen dhayman lagu qiyaasay 15 bilyan oo dollar, intii uu xukunka hayey.
Guddiga macdanta oo uu hoggaamiyo sharci dejiye Temba Mliswa ayaa sheegay inay Mugabe su’aalo ku weydiin doonaan qasriga uu ka degan yahya magaalada Harare ee loo yaqaan Blue Roof.

Mliswa ayaa sheegay in go’aankan uu ka dambeeyey isku dayo hore oo guuldarreystay, kuwaas oo la doonayey in Mugabe uu ku horyimaado baarlamanka, si su’aalo looga weydiiyo dhaymanka maqan.

Mugabe iyo afhayeenkiisaba weli wax war ah kama aysan bixin arrintan.

Ururada aan dowliga ahayn iyo xeel-dheerayaasha siyaasadeed ayaa sheegaya inay filayaan in Mugabe uu ku eedeeyo milatariga inay dhaymanka kala baxeen goobo laga qodo, oo ku yaalla magaalada Chiyadzwa, ee gobolka Manicaland.