Saraakiil Milatarigii Soomaaliya Ahan Jiray oo Gurmada u yimid Putland

0

Musharaxa madaxweynaha ee doorashada la filayo in ay ka dhacdo Puntland  General Khaliif Ciise Mudan iyo sarakiil kale oo uu hogaaminayo ayaa booqasho ugu tagay ciidamada Puntland ee ku jira jiida hore.

Saraakiishan oo uu fadhigoodu ahaa Muqdisho, Nairobi iyo gaalkacayo ayaa isugu habar wacday colaada somaliland, waxaana ay isku dayayaan in khibradahooda dagaalka la wadaagaan ciidamada Puntland oo ay dhawaan jabiyeen ciidamada Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) iyo Jeneraalada ayaa kawada hadlay xaaladda deegaanka Tukaraq, waxaanay ka arrinasadeen sidii ay ugu soo rogaal celin lahaayeen Dagaal ka dhan ah Ciidamada Qaranka Somaliland.

dhinaca kale Ciidamada


Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee tukaraq ayaa iyana ku jira heegan buuxa, waxaana dhawaan socdaal ugu tagay Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee wakiilada iyo guurtida.

si kastaba ha ahaatee xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay ee Tukeraq ayaa degan, hasayeeshee xaalada ayaa ah mid mar kastaba laga filan karo dagaal.