Sacuudiga oo Si Rasmiya Xayiraadii Uga qaadaya Xoolaha Soomaalida

0

 

Xayiraadii Saarnayd Dhoofka Xoolaha Ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo Si rasmiya Looga qaadayo wadamada Somaliland iyo Soomaliya,

Illo Xog Ogaala oo kamida ganacstada xoolaha  Kuna Sugan dalka Sacuudiga Ayaa U Xaqiijiyay Shabakada HWN in Kowda Bisha ramadaan in Gabi Ahanba Laga Qaadayo xayiradii Xoolaha Saarnayd,

Wasaarada beeraha iyo Xoolaha ee dalka sacuudiga oo Mudaba ka Fikiraysay ,baadhitaana Ku haysay Wixii sababay in la Joojiyo Xoolihii dalkaaasi ka Tagi jiray Dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Magaalada xamar Ayaa Xiligan garwaaqsaday , Aqbalayna dalabyadii Dublamaasiyadeed ee Ganacsatada Xoolaha Ee Soomaalida Ahi ka Cod sadeen in La fasaxo Dhoofka Xoolaha ee Dekadaha Aan Kusoo Xusnay,

Dagaalka ganacsiga ee Xoolaha Ayaa Sii Xoogaysnaya, Waxaana gacanta Kula jira Ganacsato carbeedoo maalqabeeno ah oo Macjaro Xoolaha Lagu Dhakhtaryo ka Furtay Somaliland iyo Soomaaliyaba, dalka jabuuti iyo Kuwo Soomaali ahba,

Mid kamida ganacsatada Xoolaha raga Ugu Tunka wayn oo HWN ugu waramay magaalada Berbera Ayaa ka hadlay Dhibaatada dagaalka gancsiga Xooluhu  Keeno,Isagoo Codsaday In Aanan Magaciisa Xusun, waxaanu Yidhi,

Dib aan idiin xasuusiyyee xayiraadii u danbaysay waxaa sababay xoolo laga raray macjarka ganacsadaha abu yaasir ee magaalada xamar,

xayiraadaa ka dib  bil gudaheedna wuxuu xoolihiisa ka rarayay magalaada jabuuti kadib markii uu albaabada u xidhay dekadihii berbera iyo boosaaso oo xayiraadii uu sababta u ahaa saamaysay ilaa iminkana uu sidii uga raro,

sidaynu la socono, Ayuu Yidhi ganacsadahani  labadii jeer ee sacuudigu qaadacay dhoofka xoolaha mandaqada geeska afrika waxa u sabab ahaa dagaalkaa ganacsiga xoolaha,

isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray gancsadhani   mar uu ka hadlaayay lugta aay ku leedahay dalka dalka jabuuti

Dalka Jabuuti Waxaay Geed Dheer iyo Mid gaabanba u fuuleen Sidii aay u xidhi lahaayeen Dekadaha Berbera iyo Boosaaso in xoolo ka Dhoofaan, taa waxa markhaati cad u ah in maanta xoolihii ka dhoofi jiray dekada berbera la geeyo dekada jabuuti , xeebta ayaa la mariyaa xoolahaa iyagoo lagusooo raray baabuur,

ugu danbayntii wuxuu yidhi ganacsahani , furitaanka xoolaha ee sacuudigu xayirada ka qaaday waxay fursad bushaaro ah u tahay guud ahaanba mandaqada soomaalidu degto ee lagu dhaqdo wanka madaxa madoow leh, dhanka dhaqaalaha marka laga eego,waayo waa ganacsiga kaliya ee lacagta adagi kasoo gashao wadmada somaliland iyo soomaaliyaba,