Laba wiil oo da’ yar ah 13 iyo 15 kala jiro ayaa lagu toogtay Wealdstone ee waqooyiga galbeed ee magaalada London

0

Wiilka 15 jirka ah isaga oo dhaawac ah waxaa laga helay waddada weyn ee Wealstone.

Daqiiqada kaddib ambalaasta ayaa dhawaaqday waxayna boolista heleen wiilka 13-ka jirka ah, oo isaguna isla waddadaasi lagu toogtay.

Weerar kale oo kaa la mid ah ayaa lagula beegsaday wiil 22 jir ah oo waddada tallaabayey dhaawac fudu ka soo gaaray weerarkaasi.

Waddooyinka Palmerstone iyo Wealstone ayay boolisku xireen iyada oo halkaasina ay ku sugan yihiin xoogagga ammaanka oo dharcad xidhan.

Booliska ayaa waxay sheegeen wiilasha la weeraray kan u yar inuu dhaawaciisa yara culusaa madaxana uu ka soo gaaray, iyada dhaawaca wiilashasi lagala beegsaday madaxa haddana dhaawacyada soo gaaray ma ahan mid naftooda halis gelinaya.

Nin dukaan ku haystay goobta uu dhibku ka dhacay ayaa wuxuu sheegay “wiilka yar ee 13 jirka ah inuu nasiib leeyahay haddiiba uu noolaaday” iyada oo ay xabaddu kaga dhacday madaxa qaybtiisa dambe.

“madaxiisa wuu iga fooraray, oo wajigiisa maanan arag balse waxaan arkayey funaanad cad oo uu xidhnaa iney gebigeedba wada dhiig noqotay.

Weerarradan ayaa waxay dhacayaan iyada oo Rhyhiem Ainsworth Barton oo 17 jir jimcihi lagu dilay waddada Southwark ee London.

Baadhitaanka oo weli socda haddana ninki dhacdadaasi goob joogga u ahaa ayaa markhaati ahaan loo hayaa, iyada oo ay ilaa iyo hadda jirin cid faldambiyeedkaasi loo qabtay.