Deg Deg, rasaas Laysku waydaarsanayo Qasriga Boqortooyada Sacuudiga, iyo Diyaarad Lasoo Riday

0

Ciidamada Amaanka ee wadanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa caawa dhulka soo dhigay dyaarad Drone ah Magaaladda Riyad.

 

warkan oo lagu baahiyay wakaalada Wararka ee wadanka  Sacuudiga ayaa intaasi ku daraysa in raaas nool la isku waydaarsanayo meel wax yar u jirta qasriga Boqortooyadda Waddankaasi.

saraal sare oo ka gaabsaday in uu magaciisa sheego ayaa  cadeeyay in Qasriga La damacsanaa in la wareero uu ka Maqnaa Boqor Salmaan isag aoo wakhtigaasi u sugnaa beertiisa ku taala Diriya

;Magaaladda Riyad oo ay ku taalo qasriga loo arrimiyo wadanka Sacuudigu ayaa waxa ay si weyn looga maqlayaa rasaas iyada Diyaarada Droneka ah ee la damacsanaa in lagu jabiyo afaafka

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa lagu baahiyay hub culus oo la isku waydaarsanayo meel wax yar u jirta qasriga Boqortooyada sacuudiga.

Arinta ayaa u muuqata afganbi la damacsan yahay in lagu dhaxal wareejiyo Boqortooyadd wadankaasi oo ah mid ku timaada habka dhaxalka ah.

Margherita Stancati oo ah wariye ka hawl galka Dalka Sacuudi Arabiya ayaa qoraal kooban oo uu soo bogga uu ku leeyahay Twitterka ku sheegay in aanay arrintu ahayn Afganbe laakiin Diyaarad Drone ah oo nooca yaryar ah dhulka la soo dhigay markii laga shakiyay isla markaana ay ku soo dhawaatay Qasriga.