Deg Deg, Boqor Buur Madow oo xabsiga Lasii Daayay

0

-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa goor dhawayd dib u helay xoriyadiisa ka dib laba habeen oo uu xidhnaa.

Sida ay sheegayaan warar ay heshay shabakada Caalamiga ee Hadhwanaagnews, boqor Buurmadow ayaa lagu sii daayey damaanad.

Xadhiga boqor Buurmadow ayaa ka yimid ka dib markii uu ka qayb galay xaflad caleemo saar ahayd oo ka dhacday deegaanka maamulka Puntland, taas oo khudbad uu ka jeediyey uu ku sheegay inuu wakiil ka yahay xukuumada somaliland, isla markaana madaxweyne MuuseBiixi kaga dalbaday inuu dib u qaado ciidamada somaliland ee ku sugan jiida bariga dalka.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in xukuumadu ay

diyaarinayso dacwada ka dhanka ah boqor Buurmadow, taas oo dhawaan loo gudbin doono maxkamada isla markaana la qaadi doono boqorka oo xoriyadiisa haysta.