Muferiat Kamil oo Kasoo Jeeda Qoomiyada Koonfurta Ethiopia Ayaa Loo Doortay Gudoomiyaha Barlamanka dalkaasi

0

Haweenay ayaa loo magacaabay in ay noqoto guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada Federaalka Itoobiya, ka dib markii xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore ee Baarlamaankaasi.

Warbixintan oo lagu daabacay warbaahinta wadanka Ethiopia ayaa intaasi ku daraysa inHaweenaydan oo lagu magacaabo Muferiat Kamil ay bedeli doonto guddoomiyihii hore ee Aqalkaasi Abdula Gemeda oo hadda ah la taliyaha arrimaha Amaanka ee Ra’isal Wasaaraha Waddankaasi.

Muferiat Kamil ayaa hore u ahaan jirtay Wasiirka arrimaha  Haweenka ee Dawladda  Itoobiya, waxaanay ahayd haweeenaydii ugu yarayd ee xilkaasi loo

Muferiat  ayaa ka soo jeeda qoomiyadda Shucuubta Koonfureed, waxaanay ka tirsan tahay xisbigathe Southern Ethiopia Peoples Democratic Movement (SEPDM).

xisbiga ayaa ku jirto ayaa hore u soo saaray Ra’isal Wasaarihii hore ee wadankaasi  Hailemariam Desalegn, kaas oo dhawaan uun iska casilay xilkaasi.

Desalegn markii uu xilkaasi iska casilay waxa uga danbeeyay xukunka Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed, oo noqonaya Ra’isal Wasaarihii ugu horeeyay ee Ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada ee xukunka dalkaasi qabta.

Hadii aynu dib ugu laabano taariikhda Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Waddanka Itoobiya dhawaan loo Magacaabay  Muferiat Kamil, Sanadkii 2008, ayaa loo magacaabay in ay noqoto wasiirka Arrimaha Haweenka, waxaana wakhtigaasi Magacaabay Ra’isal Wasaarihii hore ee wadankaasi Meles Zenawi, waxaanay ahayd qofkii guu yaraa ee xil ka qabta wadankaasi iyada oo ay da’deedu ahayd 32 sano oo keli ah.

waxa ay ku dhalatay Jimma oo ah magaalo Madaxda Koonfurta wadanka Itoobiya, waxaanay ka qalin jabisay jaamacada Haramaya University, waxaanay baratay cilmiga beeraha, iyada oo markaasi shahaadadeedii koowaad qaadatay sanadkii 2000.

xilal kala duwan ayay soo qabatay kuwaas oo dhamaantoodba ku saabsanaa arrimaha haweenka iyo xuquuqdooda.