Deg Deg,Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Markale Xal Lagula dagalamayo sicir Bararka Awaamiir Kusoo Rogay Bangiyada gaarka Loo Leeyahay iyo Cid Kasta Oo Adeeg Bxiye Doolar Ah,hay,adao, sariflayaal iwm

0

Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland isaga ka duulaya qodobka 133aad ee xeerka baanka dhexe Xeer Lr. 54/2012, isla markaana fulinaya waajibaadka ku xusan qodobka 4aad faqradiisa 4aad, qodobka 83aad, 74aad, 92aad, iyo 69aad faqradiisa 2aad ee xeerka baanka dhexe Xeer Lr.54/2012 waxa uu soo saaray wareegtadan:

Waxa la farayaa bangiyada gaarka loo leeyahay (Private Banks), shirkadaha Caymiska (Insuranse Companis), Sarrifleyaasha lacagaha qalaad (Exchange Dealers), adeeg bixiyeyaasha lacagaha (Money Service Proiders), shirkadaha bixiya daymaha yaryar (Micro Finance Institutions), hawl wadeenada hababka lacag bixinta, Adeeg bixiyeyaasha dammaanadaha, hawl  wadeenada hababkadammaanadaha iyo dhamaan Hay’adaha maaliyadeed ee ka shaqeeya gudaha dalka  Somaliland in ay:

1.     Iska diiwaan geliyaan baanka dhexe haddii aanay ruqsad ka haysan baanka.

2.     In ay Cusboonaysiistaan rusadohooda, haddii ay hore baanka ruqsad uga haysteenoo ay ruqsaddii  (Licence)

ka dhacday.

 

Sidaa daraadeed  waxa la farayaa dhamaan Hay’adaha Maaliyadeed  ee dalka gudihiisa ka shaqeeya  in ay muddo sadex todobaad gudohood ah oo ka bilaabanta taariikhda wareegtadani soo baxday ku soo dhamaystiraan/buuxiyaan waajibaadka ku xusan wareegtadan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

BAANKA DHEXE EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND