Telefishanka Iiraan Oo Ka Faallooday Heshiiska Dekedda Berbera Ee DP World Iyo Itoobiya Qeybaha Ka Yihiin

0

Telefishanka caalamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay in Soomaaliya oo ka shidaal qaadanaysa colaadda guunka ah ee Itoobiya ka dhexaysa si kulul uga hor timid saamiga 19% ee Itoobiya laga siiyay maamulka dekedda Berbera. Warbixin uu baahiyay Presstv ayaa lagu sheegay in xiisadda u dhexaysa Muqdisho iyo Abu Dubai meel xun marayso xilli xiisaddu ka bilaamatay heshiiska Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta.

“Caalamadihii u horeeyay ee xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Imaaraadku waxay soo if baxeen bishii Maarij kadib markii shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee Dp World saami dhan 19% ay Itoobiya ka siisay dekedda Berbera ee Somaliland. Iyaga oo eegaya colaadda taariikhiga ah ee u dhexaysa Somalia iyo Itoobiya ayay baarlamaanka Somalia soo saareen qaraar Imaaraadka ku eedaynaya in ay si badheedh ah ugu xadgudbeen Qarannimada Soomaaliya,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta Presstv.

Xiisadda u dhexeysa Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa u muuqata mid faraha ka baxday kadib markii dhawaan Muqdisho lagu la wareegay lacag dhan 9.6 milyan dollar oo Imaaraadku leeyahay, sidoo kalena Somalia goysay xidhiidhka iskaashiga militariga. Shalay waxa Boosaaso ka dhoofay saraakiisha tababari jiray ilaa 2000 oo ciidamada badda Puntland ah oo ay mushaharkoodana siin jireen. Warbaahinta Puntland ayaa sheegaysa in aanu Imaaraadku kharashka ka goyn doonin ciidamadaas oo deggan degaannada xeebta ku teedsan.

Presstv waxa uu sheegay in iscasilaaddii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari la xidhiidhay aragti ah in uu taageersana dalal carrabta ka soo horjeeda, islamarkaana loo arko in uu taabacsana xulufada Qadar.

Presstv ayaa aamminsan in xiisadda diblamaasiyadeed ee Carabta ee ku soo fiday Geeska Afrika siiba Soomaalidu ay mushkilad hor leh oo dhanka ammaanka ah ku keenayso Soomaaliya oo aan lahayn dawlad dhexe oo xooggan.