Wasaarada Arimaha Dibada ee Imaaraadka oo Qoraal hanjabaad Ah Dul Dhigtay Lacagtii Dawlada Xamar ka Dhigtay fadeexada ee Farmajo Qabtay

0

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa eedo Culus u soo jeedisay Xukuumadda Soomaaliya oo dhawaan diyaarad nooca rakaabka ah oo laga leeyahay wadanka UAE oo siday lacago malaayiin dollar ah ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha Dibada ee Imaaraadka Carabta oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegay in diyaaradda lagu qabtay Muqdisho ay siday aduun lacageed oo gaadhaya US$9.6, taas oo loogu talo galay in la siiyo ciidamada wadanka soomaaliya  oo ay tababar siiyaan ciidamada dalka Imaaraadka carabtu iyo tababareyaashooda.

Waxa kale oo ay wasaaradda arrimaha Dibadda ee UAE ay sheegtay in Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ay qoryo


ku qabteen diyaaradda isla markaana, taas oo ay ku tilmaameen in ay ahayd talaabo aan sharciga waafaqsanayn.

Waxa Ay Wasaaraddu sheegtay in dhaqdhaqaaqyaddaasi ay wax u dhimi karaan xidhiidhka wanaagsan ee labada wadan ay kala saxeexdeen sanadkii 2014-kii.

Sidoo kale Warsaxaafadeedkaasi ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee wadanka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay si weyn u cambaaraynayaan talaabooyinka ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah ee ka hor imanaya dhinacyadda siyaasada dhaqaalaha, taageerada milatariga iyo gargaarka bani aadamnimadda ee ay Dawladda UAE Ka wado soomaaliya isla markaana ku doonayso in lagu xasiliyo dalkaasi ay carqalad hor leh u horseedi doonto. Hadhwanaangews/Office