Basbaaska Kulul Cunistiisa oo Sababi karta Khatar Dhimasho Ah,

0

Nin ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada New York ee dalka Maraykanka kadib markii uu cunay nooc basbaaska ka mid ah oo aad u kulul.

Waxa uu ka qeybgalay tartan basbaas cunis ah, wuxuuna calalay, kadibna liqay nooc barbarooni oo lagu magacaabo Carolina Reaper, kadibna waxaa la sheegay in uu haleelay madax xanuun daran.

Dhaqtarkii daweeyay ninkan ayaa sheegay in qof kasta oo dareema astaamo madax xanuun ah kadib markii uu cuno basbaas in uu si degdeg ah isbitaalka u tago si looga daweeyo halis ka iman karta.

Xanuun daran ayaa qoorta ka qabtay maalmo kadib markii uu basbaaska cunay, kaas oo ku saaqay madaxa, kaas oo si qabatin ahaan uu u dareemayo.

Markii sheeybaarka la marsiiyay, ayaa waxaa la arkay in halbowlayaasha dhiigga qaarkood ay xirmeen.

Basbaaskan ayaa sanadkii 2013-kii loo aqoonsaday kan ugu kulul adduunka sida ku qoran diiwaanka dhacdooyinka adduunka.

Shan todobaad ka dib ayay caadi kusoo noqdeen hal bowlayaashiisa.

Dr Kulothungan Gunasekaran, oo ka tirsan dhaqaatiirka isbitaalka Henry Ford ee magaalada Detroit ayaa dadka uga digay cunista basbaaska kulul.