Diyaarad Lacag Doolara Sida oo Booliiska xamar qabteen iyo Cida Iska Lahayd

0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in hay’adaha amniga Soomaaliya ay qabteen boorsooyin la aamisan yahay inay ku jiraan lacago ay sidday diyaarad ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Saraakiisha garoonka ayaa u xaqiijiyay VOA-da in ciidamada ay qabteen lacagtan oo ku jirtay boorsooyin, kaddib markii ay ka shakiyeen.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay dalbadeen in la baaro balse howlwadeennada safaaraddda Imaaraatka ee Muqdisho ayaa diiday in la furo boorsooyinka.

Diblamaasiyiinta Safaaradda Imaaraatka ee Muqdisho ayaa la sheegayaa in ciidanka amniga Soomaaliya ee lacagtan qabtay ay u sheegeen in lacagtaa loogu talagalay mushaharka ciidamada Soomaalida ee uu Imaaraatku tababaro.

Hase yeeshee Ciidamada amniga ee dowladda ayaa iyagu lacagta uga shakiyay in loo wado


dhinacyada dowladda ka soo horjeeda.

Warar ay VOA-da heshay ayaa sheegaya in lacagtaasi oo cadadkeeda lagu sheegay 9 malyuun iyo 600 oo kun ay ciidamada NISA la wareegeen, waxaana la sheegay inay taallo xafiiska NISA ee garoonka diyaaradaha.

Dhinaca kale safiirka imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Xamaadi oo ay la hadashay VOA qaybta Soomaaliga ayaa beeniyey in lacagtaasi ay u socotay safaaradda, waxaana uu sheegay in lacagtaasi ay ahayd mid loogu talogalay mushaharaadka ciidanka.

Waxa uu VOA u sheegay in madaxda Soomaalidu aay ogaayeen, sidoo kale waxa uu beeniyey warar sheegaya in horay loogu sii sheegay dawladdiisa inaysan Soomaaliya keenin lacag.