Afartan Shaneemo Ama Sinimoo Oo Laga Furay Sucuudiga iyo Xeebo Lagu dalxiiso,

0

Dalka Sucuudiga ayaa markii ugu horraysay mudo tobanaan sano ah dalkiisa ka furaya sinimooyo, labada todobaad ee soo socda.

Arintani waxay qayb ka tahay heshiis Sucuudigu la galay AMC oo ah shirkadda ugu wayn dunida ee sinimooyada. Shirkadduna waxay bixisay ruqsadihii ugu horeeyey ee sinimooyo magaceeda ku shaqeeya lagaga furayo Sucuudiga.

Qorshuhu waxa weeyi in AMC ay shan iyo toban magaalo oo Sucuudiga ku yaal ka furto afartan sinimoo shanta sanadood ee soo socda.

Todobaataneeyadii dalka waxa ka jiray sinimooyo laakiin waxa la xidhay markii saamaynta wadaadada Muslimiinta ah ee mayalka adagi xoogaysatay.

Saraakiisha Sucuudigu waxay leeyihiin in dalka laga furo baayac mushtarka madadaaladu, waa arin muhiim ah oo qayb ka ah qorshaha himilada dib u habaynta dhaqaale iyo bulsho ee loo bixiyey hiigsiga 2030-ka.

18-ka bishan April ayaa ah muddada loo qabtay in xadhiga laga jaro furitaanka sinimoogii ugu horeeyey ee laga furo caasimada Riyad ee Sucuudiga.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa la arkayay bilowga olole balaadhan oo lagu doonayay in lagaga dhigo Sucuudiga wadan leh xeebo loo dalxiis tago, taas oo ka mid qeybaha ugu muhiimsan ee hiigsiga 2030 ee dalkaas.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe loogu hanqal taagayo isbadelo dhanka dhaqaalaha iyo bulshadaba ah, waxaana hoggaanka u haya dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo dhawaan u tagay Maraykanka socdaal dhaqaalaha la xidhiidha. .

Isbaddeladan ayaa waxaa loogu talogalay inay gacan ka geystaan in dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in shaqooyin cusb loo abuuro shacabka Sucuudiga iyo waliba inay lacagahooda ku kharash gareeyaan gudaha dalka halkii ay ugu safri lahaayeen dibaddaha si ay sinimooyo u soo daawadaan kuwooda dalxiiska u baxaa.