Naag Weerar Ku Qaaday xarunta Youtube ka ee Magaalada san Bruno Ee Gobolka California,

0

Rasaas ayaa lagu soo warramayaa in laga maqlay meel u dhaw xarunta dhexe ee YouTube ee magaalada San Bruno ee waqooyiga California ee waddanka Mareykanka.

Gawaarida gurmadka degdega ah lagu fidiyo ayaa gaaray goobtay halka booliskuna ay dadka rayidka ah uga digeen inay ka fogaadaan aaggaasi.

Shirkadda Google oo iska leh YouTube ayaa sheegtay inay baarayso rasaas la sheegay in aaggaasi laga maqlay.

Qaar ka mid ah shaqaalaha YouTube ayaa sheegay inuu jiro qof halkaasi toogasho ka wado, hasayeeshee arrintaasi ayaanan weli la xaqiijin.

Todd Sherman oo ka mid shaqaalaha shirkadda YouTube ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in dadkii ku sugnaa dhismaha ay ka argagaxeen rasaasta ay maqleen.