Dhaxal Sugaha Boqortooyada sacuudiga oo Bandhigay In israa,iil Aay Hesho dal Aay Leedahay ,Xaqna Ay tahay,

0

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa qiray in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore.

Amiir Maxamed ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa’iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin.

Sacuudigu si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa’iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay calaaqaadkooda dahsoonSacuudiga iyo Israa’iilba waxay halista ugu wayn ee dibadda kaga soo fool leh u arkaan Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah,

Dalka Boqortooyada Sacuudiga  Ayaa Intii Uu talada  La Wareegay Boqor salmaan waxaa Isas Soo taraya Go,aamada dabacsan ee  Israa,iil  Ku wajahan  ee Kasoo baxaya  Boqortooyada Sacuudiga,  Wiilka Dhaxal sugaha ah  ee Ina salmaan    Isna Wuxuu Muujiyay Awoodo  Siyaasadeed oo ka Mid Yihiin  Fur Frida Dimuqraadiyada,  Haweenka oo Markii Kowaad Loo Ogalaaday In Aay Baabuur kaxayn Karaan,  Suuqa u Bixi Karaan iyo Goobaha Lagu caweeyo,,

Sida La Ogyahay,na  Waxaa xaflad Loo Qabtay  In Diyaarado iskaga Gooshaan talabiib iyo dahraan,  dabcana  ganacsiga  Ayaa Laga Yaabaa in uu  Dhex Maro labada dal,