Maxkamad Shan Sano Ku Xukuntay Duqii Caaasimada Dhakar Ee alka Senegal, maxaase Sababay

0

Siyaasi katirsan mucaaradka dalka Senegal oo lagu magacaabo Khalifa Sall ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah, kadib markii lagu edeeyay musuqmaasuq.

Maxkamadeynta ninkan oo buuq badan dhalisay ayaa ku saabsan hanti dadweyne oo gaareysa saddex milyan oo doolar, taasi la waayay halka ay ku baxday.

Mr Sall oo imika ahaa duqa magaalada Dakar ee dalka Senegal ayaa lagu helay dembi ah inuu adeegsaday warqado qaan sheegad been abuur ah oo uu kula soo wareegay lacagtaasi.

Ninkan ayaa waxaa loo arkayay mid loolan adag gelin kara madaxweynaha talada haya ee dalkaasi, Macky Sall doorashada sannadka dambe ka dhici doonta Senegal.

Khalifa Sall ayaa beeniyay eedeymahaasi, waxaana taageerayaashiisa ay shegeen in arrintani ay tahay mid siyaasadeysan.