GBADHA YARANTA KU HESHAY ABALMARINTA CAALAMIGA AH EE NABADA, OO KU LAABATAY DALKEEDII KADIB MARKII LA TOOGTAY SANADKII 2012

0

Gabadha abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ku guulaysatay Malala Yousafzai ayaa ku laabatay Pakistan markii u horraysay tan iyo markii ay toogteen malayshiyada Taliban.

Yousafzai oo hadda 20 jir ah aadna ugu dooda xuquuqda aadanaha ayuu qof hubaysan madaxa ka toogtay iyadoo u ol’olaynaysa waxbarashada gabdhaha sannadkii 2012kii.

Waxaa lagu wadaa in ay kulan la qaadato ra’iisulwasaare Shahid Khaqan Abbasi.

Safarkeeda ayaan la sii shaacinin, sida ay saraakiishu u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Telefeshin Pakistan laga leeyahay ayaa baahiyay muuqaalka gabadhan iyo waalidkeed oo ka soo dagaya garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Benazir Bhutto oo ammaankiisa aad loo adkeeyay.

Waxaa lagu wadaa in safarkaasi uu qaado afar maalmood, warbaahinta gudahuna waxay ku warrantay in ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan hay’adda Malala Fund.

Lama xaqiijinin in ay booqan doonto deegaanka uu qoyskeedu ka soo jeedo ee Swat oo ku yaalla dhulka fog ee waqooyiga galbeed.