Booliska Ethiopia ayaa mar labaad xidhay sagaal qof oo ay ku jiraan saxafiyiin iyo siyaasiyiin mucaarad ah, dhawr todobaad uun ka dib markii xabsiga laga sii daayay.

0

Booliska Ethiopia ayaa mar labaad xidhay sagaal qof oo ay ku jiraan saxafiyiin iyo siyaasiyiin mucaarad ah, dhawr todobaad uun ka dib markii xabsiga laga sii daayay.

Dadkaasi markii la xidhay waxay joogeen xafalad ay ugu dabaal dagayeen xorriyadooda loo soo celiyey.

Dawladda Ethiopia ayaa mudaharaaddo lagaga soo horjeedaa cadaadis ku hayeen muddo saddex sanadood ku dhawaad ah.

Sannadkii 2016-kii ayaa xukuumadda Ethiopia waxay xabsiga u taxaabtay kumanaan qof oo warfidiyeen badani ku jireen, dadkaa badankoodana waxa lagu sii daayey cafis ahaa tanaasul ay xukuumaddu u samaysay mucaaradka.

Temesgen Desalegn, oo ka mid ah saxafiyiinta dib loo xidhay ayaa hooyadii waxay u dhigtay xaflad soo dhawayn ah oo ay ugu damaashaadaysay sii dayntiisa, waxaanay ku casuuntay dad badan oo kuwaa la xidhay ka mid yihiin.

Sida ay sheegeen dad goob joog ahaa, waxa sababay in boolisku xafladdaa galaan waa in ay ogaadeen calan dawladda liddi ku ah oo gidaarka goobtii xafalddu ka socotay la sudhay.

Dhawr qof oo qorayaal magac leh ah oo ka mid ah koox loo yaqaan Zone 9 iyo sidoo kale siyaasi mucaarad ah oo la yidhaa Andualem Arage, ayaa halkaa lagu xidhay.

Xukunnadii xabsiga ahaa, cafisyadii ka dambeeyey iyo dib u xidhiddan haatan iyo sidoo kale xaaladda degdegga ah ee dalku ku jiro marka la eego, waxa la moodaa in hogaanku ku kala qaybsanyahay sida dawladdu uga hortagayso mudaharaadada lagaga soo horjeedo.