Berbera,Daawo, Afar iyo Labaatan Dhalinyaro ah oo Sadexsano ka badan Ku Xidhnaa dalka iiraan Oo xabsiga Laga sii daayay, warkan waxaa khadka telofanka noogu xaqiijiayay Kabtan Maxamed Xirsi

0

Afar iyo Labaatan Dhalinyaro ah Oo Mudo sadex Sano ka Badan Ku Xidhnaa Dalka Iiraan Ayaa Xiligan Laga Sii Daayay xabsigii Aay Ku Jireen,
Kabtan Maxamed Xirsi Oo Si Dhow Ula Socday Xaalada Maxaabiistaasi 24 Ah Ayaa warbaahinta u xaqiijiyay Sii dayntooda, Waxaanu Yidhi,
Ragan 24 Ah waxa Laga qabtay bada Cumaan Gacanka Hormuz Ee Xeebta Xuduuda Biyaha Cumaan, Kantan Maxamed Xirsi Wuxuu Intaa Ku daray In ragani Ukala dhasheeen Labada wadan ee Somaliland iyo Somaliya, Waxaana la qabtay Ayuu yidhi Xili Maraakiib Aay ka shaqaynayeen oo sida Shidaal Aay marayeen gacankaasi Hormuz ee Biyaha Cumaan xadkeeda Ah,
Kabtan Maxamed Xirsi Wuxuu Sheegay in Bisha Afraad ee Fooda Inagu Soo haysa Aay Kusoo Beegan Yihiin Caasimada Somaliland Ee hargaysa iyadoo Aay la Socdaan Diyaarada Daalo,
Kabtan maxamed Xirsi Wuxuu Xukuumada Somaliland fariin Codsi ah Ugu Diray In ragaa 24 ah Oo xabsi Dheer Ku qaatay dalka Iiraan Loo Fidiyo gargar Ibna,aadannimo, wayo Ayuu yidhi Shaqadoodu waxay Ahayd Kuru ama Shaqaale maraakiibta shidaalka qaada u shaqeeya Oo shaki Aay ka qaaday dalka Iiraan in daraadeed Loo Xidhay,

HOOS KADAAWO