Warbaahinta UAE ayaa caawa faahfaahisay in Somaliland ay xafiis ganacsi ka furatay magaalada Dubai

0

Warbaahinta UAE ayaa caawa faahfaahisay in Somaliland ay xafiis ganacsi ka furatay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta Isniintii maanta.

Siday wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA ka soo xigatay Gulf News, waxa xafiiskan ganacsi uu isku xidhi doonaa isla markaana kor u qaadayaa danaha ganacsi ee labada dal.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa intii aanu ka soo kicitimin Imaaraadka sheegay in xafiiskani muhiimad weyn ugu fadhiyo cilaaqaadka labada dawladood.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in magaalada Dubai ay tahay marinka ay soo maraan baddeecadaha ku soo jeeda Somaliland, waxa kaloo uu tilmaamay in tijaar badan oo

reer Somaliland ahi ay ku sugan yihiin Imaaraadka.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu intaas ku daray in xafiiskan cusubi uu taabogelin doono iskaashiga ganacsi ee ay la yeesheen Imaaraadka.

Waxa kaloo uu madaxweynuhu iftiimiyey in wax wada qabsiga ganacsi ee labada waddan lagu qiyaasi karo inay ku baxdo adduun gaadhaya 300 illaa 400 oo Milyan oo doolar.
Siday werisay wakaallada SOLNA, Madaxweynaha Somaliland waxa uu Saxaafadda imaaraadka u xaqiijiyey in Dawladda Imaaraadka carabtu ay maalgelin doonto mashaariic badan oo uu xusay in qaarkood aanu tafaasiil ka bixinaynin.
Gulf News waxa wararka uu ka qoray booqashadii weftigii madaxweynaha Somaliland ay muujinaysaa in iskaashiga labada dawladood uu gaadhay heerkii u sareeyey.