DEG DEG, Imaraadka carabta Oo Aqbalay dalabkii Xukuumada Somaliland,

0

Dawlada imaaraadka carabta ayaa si rasmi ah u ogolaatay baasaaboorka somaliland.

Sidoo kale dawlada imaaraadka ayaa shaacisay inay somaliland ka iibsanayso xoolaha nool isla markaana ay dawlada sucuudiga kala hadli doonto sidii ay xayiraada uga qaadi lahayd xoolaha somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa soo bandhigay hawlo muhiim ah oo ay dawlada imaaraadku u qabanayso somaliland.

Gudoomiye Faysal oo soo bandhigaya qodobo ay isla garteen dawlada imaaraadka ayaa waxa uu yidhi “Xoolihii laba maalmood gudahood ayey imaaraadku ku bilaabayaan inay iibsadan, sucuudigana way la hadlayaan, waxaanan ka rajaynaynaa in todobaad gudihi ay xayiraada ka qaadaan xoolaha

somaliland, baasaaboorkiina mid cusub ayaa la samaynayaa oo E-Passport ah, xafiis ay somaliland leedahay ayaana laga furayaa, xafiiskaas oo qaban doona shaqadii safaarada inta aanu aqoonsi buuxa helayno, waxaanan rajaynaynaa in imaaraadkuna uu xafiis ka furan doono somaliland.”ayuu yidhi gudoomiye Faysal oo u waramay VOA

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dawlada imaaraadku ogolaatay baasaaboorka somaliland “mabda ahaan way ogolaadeen Baasaaboorka  laakiin baasaaboorkeenu hada maaha mid  E-passport ah, markaa baasaabooro cusub ayaa la samayn doonaa waxaana lagu sii dhaqmi doonaa kan hada jira, waana la ogolaadday baasaaboorka, waxaanan rajaynaynaa in imaaraadku ka shaqayn doono wadamada khaliijka oo dhan oo lagu tago baasaaboorka somaliland.”

Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa ka hadlay arimaha la xidhiidha ciidamada iyo qorshayaal ay dawlada imaaraadku ku xoojinayso baanka dhexe ee somaliland waxaanu yidhi “Waxa yimid madaxdii ciidamada somaliland haday boolis tahay ama ciidamada qalabka sida ama ciidamada bada ama nabad sugida ha ahaadeen, intuba way yimaadeen waxaanay soo samaysteen qorshihii, waxaana laysla gartay in amaanka la adkeeyo, xaga kalana waxay naga caawinayaan baanka  iyada oo ay yimaadeen madaxdii baanka somaliland iyaga oo la kulmay gudoomiyaha baanka imaaraadka, waxaana laga shaqaynayaa sidii baanka loo adkayn lahaa oo loo dhisi lahaa baan adag shaqeeya oo ilaaliya dhaqaalaha oo lacag lagu shubo si uu uga hortago sicir bararka.”