Wasiirka Arimaha Gudaha jarmalka Oo Quudhsaday Muslimka Una Sheegay In Aan Boos Uga Banaanayn dalka jarmalka

0

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha dalka Jarmalka Horst Seehofer ayaa laga soo xigtay hadal ah “islaamka boos ugama banaana Jarmalka”, hadalkaas oo la sheegay in ay foodda isku dareen hoggaamiyaha dalkaas Angela Markel oo aanan jecleysan fikradda ninkan.

Waxa uu hadalkan sheegay xili uu soo bandhigayay siyaasado cusub oo ku wajahan arrimaha soo galootiga.

Waxa uu qeyb ka yahay dowladda isbahaysiga ah ee dalka Jarmalka ee dhawaanta la dhisay.

Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa sanadkii 2015-kii u sheegtay in ay aaminsantahay in Islaamka uu qeyb ka yahay Jarmalka.

Balse ninkan oo wareysi siiyay wargeyska Bild ayaa sheegay in uu rumeysanyahay in Jarmalka lagu dhisay “tiirar masiixiyadda ah”, meelna uusan uga banaanayn Islaamka.

Wuxuuse sheegay in muslimiinta ku nool Jarmalka ay yihiin muwaadhiniin, balse diinta islaamka aanan loo baahnayn.