Dawlada Imaraadka carabta oo tabobar U Fidinaysa Ciidamada Booliiska iyo Milatariga Somaliland,Madaxwayne Biixi Ayaana ka hadlay

0

Dawlada imaaraadka carabta ayaa tababaraysa ciidamo u gaar ah ilaalinta amaanka oo ay somaliland leedahay, kuwaas oo qayb ka ah heshiiska saldhiga milatari ee laga hir gelinayo magaalada Berbera.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa ku warantay in madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi u sheegay in dawlada imaaraadku ay tababarayso ciidamada milatariga iyo booliska, isaga oo xusay in heshiiska saldhiga milatari ee imaaraadku ka samaysanayo magaalada Berbera la dhamaystiri doono labada bilood ee soo socda.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadan somaliland ee imaaraadku tababarayo ay yihiin kuwo haysta qalab iyo aqoonba.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay

inay rajaynayaan in sanadkan gudihiisa la dhamaystiro saldhiga milatari ee dawlada imaaraadku ka hir gelinayso magaalada Berbera, isaga oo xusay inuu saldhigaasi ka qayb qaadan doono  horu marka dhaqaalaha iyo amaanka somaliland.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sidoo kale ku warantay in wasiirka arimaha dibada somaliland Dr Saca Cali Shire oo goob joog ahaa markii la waraysanayey madaxweyne Muuse Biixi uu ka gaabsaday inuu cadeeyo tirada ciidamada ay dawlada imaaraadku keenayso saldhiga Berbera.