Wadnka jaban Ayaa Hoos u Dhigay Cimriga Dhalintiisu ku Guursan Karto

0

Dowladda Japan ayaa wadda qorshe ah in caruurta dalkaas loo aqoonsado qaangaar marka ay gaaraan da`da 18 sano jir, halka markii hore ay ka ahayd 20 sano in loo aqoonsado qaangaar.

Haddii isbeddalkaas uu dhaqan galo, dadka 18-jirka ah waxay awood u yeelan doonaan in ay guursadaan, waxay sido kale geli karaan heshiisyo waxayna qaadan karaan daymo ayagoon fasax ka helin waalidkood.

Haddii baarlamaanku u codeeyo meelmarinta xeerkan wuxuu dhaqan geli doonaa sanadka 2022.

Waa isbeddelkii ugu horreeyay ee lagu sameeyo xeerka da`da qaangaarnimada tan iyo sanadkii 1876.

Sharciga hadda jira, dadka ka yar da’da 20 jirka waa guursan karaan oo keliya marka ay fasax ka helaan waalidkood, raggu 18 jir ayay ku guursan karaan dumarkuna 16 jir.

Balse isbedelladaan waxay kor u qaadayaan da`da dumarku ay ku guursan karaan, sidaas darteed dhammaan dadka 18 jirrada ah way guursan karaan iyagoon fasax ka haysan waalidkood.

Dowladdu waxay go`aansaty in da`da guurka ee ragga iyo dumarka isku mid laga dhigo, waayo ma jirin sabab macquul ah oo kala duwaanaansho keeneysa.