Heshiiska Maalgashiga Dekada Berbera sadex wadan ayaan Raali ka ahayn,

0

Heshiiska sadex Geesoodka ah ee Somaliland. Ethiopia iyo Dp World Ee Ku wajahan Iskaashiga ganacsi Ee Dhanka Maalgashiga waxaa Shidaya oo dabka ku Hurinaya Sadex wadan Oo Cadaw Ku Noqday Qadiayada iyo Madax,banaanida soamliland,

Olalahan Ayaa Sida raga u Dhuun daloola Siyaasada mandaqada Geeska Afrika Sheegayaan waxa Somaliland ku wada wadmada aay ka Midka yihiin Jabuuti, Masar iyo dawlada Fedaraalka ah ee Soomaliya Sida la Ogyahayna Wadmadan aya Mid waliba dan gaara Leeyahay, salkana wuxuu ku haya dagaalkoodu Mid dhaqaale,

Jabuuti waxay Doonaysaa in Dekadaeedu Noqoto ta kaliya ee Geeska afrika Ugu Manaafacaadka badan Si aay ugu Adeegto wadmada Aan bada Lahayn ee Hareeraha kaga Xeeran Sida Ethiopia oo Maanta Ugu yaraan Boqol Milyanoo Qof Ku Noolyihiin.Sida uu dhawaanta ka Dhawaajiyay wasiirkii hore ee wasaarada qorshaynta Somaliland Qabo oo Ku dhaliilay dawlada jabuuti in Aanay raali ka ahayn Horumarka iyo Maalgashiga  Dekada Berbera  ee aay Hormoodka ka tahay Shirkada carbeed ee Dp world, waxay taasi markhaati madoon u Noqonayasaa sida uu Sheegay Ex wasiir Qabo Siyaasada dawlada jabuuti Aanay dan u Ahayn dawlada somaliland sababtoo ah wasiirka arimaha Dibada jabuuti Wuxuu si cad u taageeray mawqifkii Xukuumada Somaliya ka qaadatay Heshiiskaa maalgashi ee dekada Berbera,

Dawlada masar waxaa shidaya waa siyaasada isticmaalka Biyaha Webiga Niilka oo aay dalka Ethiopia Mudo Dheer isku haysteen Isticmaalkiisa,Sida wararku Sheegayaan waxay dabada ka Riixaysaa dacwadaha ka dhanka Heshiiskan Sadex Geesoodka ah Sidii jaamacada carabtu u Hor Istaagi lahayd Heshiiskan Dekada Berbera ee Dhex maray Somaliland iyo,Dp World oo  hada Wu Gu Jirsaday, waxaana Iminka qayb ka Noqatay dawlada Ethiopia oo in badan danaynaysay In aay wax Ku darsato,

waxaase Isawydiin Leh Hore Ugamay hadal dawlada Fedaraalka somaliya Heshiiskan Ee waxaa Iminka Kusoo Beegay qaylo dhaantan aay Meel walba u direen, dabcana Siyaasiyiin Reer Somaliland ah iyo kuwo mandaqadaba u dhashay ayaa Sheegaya in gacmo shisheeye Ku Jiraan Ka hadalka Xiligan ee dawlada soomaliya heshiiska maalgashi ee dekada Berbera,

Hadaba qaar kamida Siyaasiyiinta Somaliland Ayaa qaba in marka Hore Xukuumada Somaliland ee Cusub Aay waajib ku tahayn in Aay Mad madowga ka Saarto Heshiiska Shirkada Dp World Lala galay, Xalaal Iftin Ayaa la qashaaye , Waxaanay Leeeyihiin Macnahu Yuu Noqon Jujuub in Lagu Meel mariyo, Baryana Yuu Noqon, Laakiin waa in Xukuumadu Heshiiska rasmiga ah u Gudbisaa baarlamaanka, hadii wax Lagu qarsanayo dheef ahna laga Daayaa,

Madaxwaynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi cabdi Waxaa la Gudboon Ayaay Leeyihiin Siyaasiyiinta qaarkood waa in uu Ogaado shakiga aay Umadu ka qaaday heshiiskan, Iyo Wel welka laga qabo in Shaqsiyaad Madax ka ahaa Xukuumadii Hore Imnikana qaarkood ku Jiraan Xuluumada Cusub in Aay wax Ku qarsanayaan Heshiiska Cusub ee dhawaanta dib loogu saxeexay imaaraadka,, Laakiin aanay Umadu Diidanayn in dalka iyo Dekadaba la Maalgashado,

Runtiina Faalada warbixintani waxaan kazoo Ururiyay Aragtiyo kala Duwan oo aqoon yahan Leh iyo Bulshada rayidka qaybahooda kala Duwan, waxaanad Moodaa in Aay farta Kuwada Fiiqayaan in dawlada Cusub iyo Hogaamiye Muuse Biixiba Aay La Socdan dareenka Dadka, oo Intooda badan Ka Aaminka baxsan yihiin Wasiirka arimaha dibada Somaliland iyo safiirka Somaliland u fadhiya Imaaradka carabta oo Lagu eedaynayo in dano gaara aay Ugu Jirto Heshiiskan Maalgashi ee Dekada Berbera,

Isku Soo Duuduuboo  Hirdanka  dhaqaale iyo siyaasdaeed ayaynu ogaan doonaa halka uu biyo dhigto maalmaha soo socda,