Telefishanka caalamiga ah ee Aljazeera qaybtiisa Carabiga ayaa habeen hore baahiyay warbixin muuqaal iyo qoraal ah oo sheegtay in dawladda Somaliland ay joojisay saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera, ka dib is af-garan-waa’ soo kala dhex galay Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

0

Telefishanka Aljazeera wuxuu sheegay in obacda khilaafku tahay jidka Berbera iyo Wajaale isku xidha oo ay dawladda Imaaraadka Carabtu hore heshiis ugu balan qaaday inay dhisayso, laakiin ay hadda bedeleen mawqifkoodii iyagoo sheegay inay qayb bixinayaan lacagta jidkaas ku baxaysa halka ay dawladda Somaliland ku adkaysanayso in Imaaraadka Carabtu lacagtaas wada bixiyo dhammaanteed si deg deg ahna u bilaabo hawsha.

Ma jiro war ah oo ay dawladda Somaliland kaga hadashay warbixintan uu telefishanka Aljazeera baahiyay, sidoo kalena Imaaraadka Carabta ayaan iyaguna ka jawaabin. Laakiin waxa hadda ku sugan dalka Imaaraadka Carabta wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo kulamo la leh masuuliyiinta Imaaraadka Carabta.

Heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo ay siyaasiyiinta mucaaradka Somaliland ku doodeen inuu madmadow badani ku jiro, ayaa wuxuu dhigayaa in saldhiga mudada la kireeyay tahay 25 sannadood. Qodobada ugu muhiimsan ee ay xukuumadii Siilaanyo sheegtay inay dan u yihiin Somaliland waxa ka mid ahaa dhismaha jidkan Berbera ilaa Wajaale ee hadda wararkiisu soo baxayaan.