Cajiib, Tuulo Yar Oo Ku taal jarmalka oo Kaniisadeeda Uu Sudhan yahay jalas Aay Ku Qorantahay Magaca Hittler iyo calaamadii Naziga,

0

Tuulo yar oo ku taala dalka Jarmalka ayaa loo codeeyay in ay sii heystaan gambaleel ama dawan ku suran kaniisad ku taala halkaas oo uu ka tagay kaligii taliyihii Adolf Hitler.

Gambaleelka ayaa waxaa ku qoran astaanta naasiyiintii Jarmalka, iyo erey dhahaya “Aabaha dalkeena – Adolf Hitler”.

Waxaa lagu dooday in gambaleelka uu astaan u yahay taariikhdii madoobayd ee uu dalkaas soo maray.

Golaha deegaanka oo ka kooban 13 oo codka qaaday, ayaa waxaa ‘Haa’ ku codeeyay 10, halka ‘Maya’ ay ku codeeyeen 3 xubnood, sidaasna lagu dhaafay gambaleelka in uu sii surnaado.

Dadka qaarkood ee tuulada Herxheim ayaa sheegay in ay aad uga naxeen markii ay ogaadeen in ay tagaan kaniisad uu ku yaalo gambaleelka Hitler.

Gambaleelkan ayuu culeeskiisu dhanyahay 240kg, waxaana loo aqoonsaday in uu yahay xusuus qaran iyo meel loo dalxiis tago.

Duqii hore ee magaalada Ronald Becker ayaa is casilay sanadkii hore kadib markii uu difaacay gambaleelkan.

Dadka qaarkood ayaa waxa ay ka baqayaan in dad badan oo kasoo horjeeda naasiyiinta ay mudaaharaadyo ka dhigaan tuuladan.

Sanadkii hore ayaa la aamusiyay gambaleelka, waxaana la isticmaalayay mid kale, balse hadda shaqadii ayuu dib u bilaabayaa.