DEG DEG, MADAXWAYNE BIIXI OO XILAL CUSUB MAGACAABAY, IYO AGAASIMIHII MADAXTOOYADA OO KA DHIGAY NIN IN BADAN LA HADAL HAYAY

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahayJSL/XM/WM/222-43/022018,      uu ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:        La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey:

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

 

<p< span=””>Magaca </p<>

Xilka

1. Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka
2. Mustafe Faarax Cali Aadan Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka
3. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada
4. Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
5. Maxamed Cali Bille Guuleed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
6. Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
7. Maxamed Warsame Ducaale Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay
8. Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
9. Ayaanle Salaad Diiriye Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya