Maxaa ka Jira In Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysigu ka Noqotay xayiraadii Jilaabshada Kaluunka Indho Tooshlaha

0

Wasiirka Wasaarda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta kaluumaysiga Xasan Gaafaadhi Ayaa Horaantii Bishii Jenawari Ee sanadkan 2018 Ku Dhawaaqay In wasaarada Ahaan Aay Joojiyeen Jilaabshada kaluunka Nooca Libaaxa Ah Ee Soomaalidu U taqano Indho Tooshle,,

Hadaba Xiligan Oo Aanay Kasoo wareegin Labo Bilood Xayiraadii kaluunkaa Indho Tooshlaha Lagu Soo Rogay Ayaa waxaa Soo Baxaya In Dib Loo fasaxay,

Illo Xog Ogaala Ayaana Sheegaya In Wasaardu ka Laabatay Xayiraada Jilaabashada Kaluunka Indho Toosh,laha, Kadib Markii Cabsho badani Kaga Timid Kumanaan qof Oo Ka Shaqaysan Jiray kaluunkan JIlaabashadiisa,

Inkastoo Oo Aan Wali Lahayn warqadii Lagu Fasaxay Illo wareedyadu Waxay Intaa Ku dareen In Illaa Bisha Lixaad Ee sanadkan Si KuMeel gaadha Loogu Ogalaaday In Aay Kasii Shaqaystaan oo Aay Jilaabtan kaluunakan, Maadaama Aay Ku Cawdeen In tacab badani Kaga Qabyo yahay Sida Kadiska Ah Ee Wasaaradu u Joojisay,

Waxaanay Wararka La Helayaa Intaa ku dareen In Xarumihii Aay Berbera Ku Lahaayeen Labadii Shirkadood Ee ka  Shaqaysan Jiray Aay U Guureen Xeebta Illdaraad oo Dhinaca Bari kaga Beegan Berbera,

Dabcana Shirkadaha Ayaa xarumo kale Ku lahaa Degaamada Xeebta Ee Xiis iyo Maydh Oo Sida La Sheegay Aan Shaqadoodu Istaagin , saamayna Aanay Ku Yeelan Xayiraadii wasaaradu Kusoo Rogtay,

Jilaabshada kaluunkan Indho Tooshlaha Oo kamida  Firiga Libaaxa  Ayaa Noqday Kaluunkii U Horeeyay oo Suuq Dibadadeed  Aay Usoo Helaan  Shirkadaha ka Shaqaystaa,

Waxaana Laga Shiilaa Subagiisa  Oo Qaali Ah  iyo Hilibkiisa Oo La Sollo Cad Ceeduna Aay Bislaysso Kadibna waxaa Loo Iib Geeyaa wadmao ka Mida  Afrikada Dhexe iyadoo Lagu Guro Koontenar Ka dibna laga dhoofiyo dekada berbera,

waxaa kale oo shaqo ka hellay  kunaan qof oo masaariftooda kala soo bixi jiray,